Kubadsameeyaha Wolfsburg Julian Draxler ayaa doonaya inuu u ciyaaro mid kamid ah kooxaha waaweyn ee Yurub xilli ciyaareedka soo socda, sida uu sheegay wakiilkiisa.
Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa ku dhawaatay saxiixa xidiga caalamiga ah ee dalka Germany xagaagan inkastoo loolanka ay kula jiraan kooxaha Arsenal iyo PSG.
Wakiilka Draxler, Fabio Parisi, ayaa u sheegay Tuttosport: “Waxaa hubaal ah inuu ka tagi doono Wolfsburg dhamaadka xilli ciyaareedkan. Wuxuu farxad u arki lahaa inuu ku biiro Juve iyo macalin Allegri, “ayuu yir.
“Waxaan ku celinayaa, Draxler ayaa ka tegi doono halkaan, laakiin in Juventus ay xiiseyneyso mar kale waa arrin kale. Waxaan qabaa in Bianconeri lacag badan ku dooneyso,
“Kooxda Juventus ayaa la fahamsan yahay in ay suuqa gelin doonto dhaqaalihii ay ka heshay iibintii Paul Pogba iyadoo Beppe Marotta 23-sano jirkaan uu kula dagaalami doono kooxaha Arsenal iyo PSG.


