Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed.
Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayay, ayaa waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ujeeda Safarka Michael Keating ayaa lagu sheegay in ay tahay arimaha doorashooyinka iyo sidoo kale in la taageero maamulka Koonfur Galbeed.


