Muwaadin Soomaaliyeed oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Jarmalka

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa la soo taagey muwaadin Somaliyed oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, islamarkaana maleegayey weeraro ka dhaca dalkaasi.

Xeer ilaalinta maxkamadda Federaalka ee dalkaasi ayaa ku eedeysay Abshir Axmed in uu horey u tagey Somaliya islamarkaana uu tabo bar ka soo qaatey Al-Shabaab.

Sidoo kale xeer ilaalintu waxay sheegtay in Abshir uu doonayey inuu ka dhoofo mid ka mid ah garoomada diyaaradeed ee ku yaalla dalkaasi, balse ay ciidanka soo qabteen kahor inta aanu bixin.

Ehlada Abshir Axmed ayaa diiddan eedeynta loo soo jeediyey wiilkooda, waxaana ay tilmaameen in marnaba aanu wax wada shaqeyn ah,  ama xiriir la yeelan Xarakada Al-shabaab.

Maxkamadda weli go’aan ma aaney gaarin, baaritaanno dheeraad ahna waa lagu wadaa muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Sidan oo kale dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu xiray dalal kamid ah Yurub iyo Ameerika, waxaana lagu eedeeyey iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab.