Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta Ansixiyay dastuurka uu yeelanayo maamulka Hirshabeelle.
Ergada oo ka kooban 202 xubnood, waxaana cod gacan taag ah dastuurka ku ansixiyay 186 xubnood, waxaa ka maamustay 10 xubnood halka inta hartay ay diiday.
Mid ka mid ah Ergooyinka oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maanta lagu guuleystay in la ansixiyo dastuurka maamulka Hirshabeelle.
Shirka Ergada Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa shalay Ergadu waxa ay kaga doodeen qabya qoraalka Dastuurka Dowlad Goboleedka Hiiraan Shabeelaha Dhexe.


