Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Maqaayad ku taalla magaalada Garbahaareey ee Caasimada gobolka Gedo.
Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhintay , waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 5 qof sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen qaar ka mid ah dadka kunool Magalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Maqaayada uu Qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay ka mid tahay maqaayada ugu waa weyn magaalada Garbahaareey , waxaana la sheegaya in ayku taal Bartamaha magaalada Garbahaareeyay.
Dhanka kale ammaanka magaalada Garbahaareey ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la xiran inta badan wadooyinka Soo gala magaalada Garbahaareey.


