Faahfaahin Taliyihii Nabad sugida gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Sida ay idaacadda Risaala u sheegeen Madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir , waxaa xilkii laga qaaday taliyaha ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir.

Taliyihii Nabad sugida gobolka Banaadir Cabdixakiin Fareey ayaa xilkii laga qaaday , waxaana Taliyaha cusub Nabad sugida loo magacaabay  Maxamed Xasan Faarax.

Taliyaha Cusub ee Nabad sugida gobolka Banaadir G/sare Maxamed Xasan Faarax (Faran far) ayaa horay u ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in aan isbadel lagu sameyn karin Taliyeyaasha ciidanka iyo sidoo kale xubnaha sar sare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed , mana la oga sababta keentay in xilkii laga qaado Taliyihii Nabad sugida gobolka Banaadir.