Shabaab oo soo bandhigay Askari ka tirsan AMISOM

Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Askari u dhashay Dalka Uganda, kaas oo Maxbuus u ahaa Shabaab mudadii la soo dhaafay.

Askarigan oo magaciisa lagu sheegay Massasa ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa Askarta Midowga Afrika gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dalka Uganda, waxaana lagu khafaashay weerarkii Shabaab ay sanadkii hore ka geysteen Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Askarigan oo ka soo muuqday Warbaahinta Shabaab ayaa waxa uu shacabka Uganda ugu baaqay in ay u midoobaan sidii uu u heli lahaa xuriyadiisa, isagoo si gaar ah baaq ugu diray Madaxweynaha Uganda.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Uganda uu ka tirsanaa tan iyo 2009-kii markaas oo uu ku soo biiray, isagoo sidoo kale sheegay in Soomaaliya loo soo bedelay 2015-kii.