Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa degmada Yaaqshid ku dileen Nabadoon si weyn looga yaqaanay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
Nabadoonka ayaa lagu magacaabi jiray Afweyne Tiiteeye sida ay Risaala u sheegeen dadka kunool degmada Yaaqshid.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.


