Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Xamiir Gaab.
Inta la xaqiijiyay 1 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ku dhintay , halka 3 kalena uu dhaawac soo gaaray.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan Gawaarida ciidanka dowladda Soomaaliya , kuwaa soo kusoo jeeday magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan deegaanka Xamiir Gaab ee duleedka magaalada Buulo burde ayaa Risaala u sheegay in dagaalku uu socday muddo saacaddo ah.
Gudoomiyaha degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan Cabdicasiis Duuroow oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu jiro dagaalka ka dhex maray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.


