Inta la xaqiijiyay 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay Bariga gobolka Mudug.
Maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug ayaa midba mid kale ku eedeeyay in uu hurinaayo dagaalka ka dhacay Bariga gobolka Mudug.
Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa saakay waxaa ka taagan xiisad u dhaxeeysa laba Maleeshiyo oo hubeysan kana kala soo jeeda maamulada Galmudug iyo sidoo kale Puntland.
Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa laga dareemaaya xiisad colaadeed , waxaana laga cabsi Qabaa in uu dagaal ka dhaco magaalada Gaalkacyo oo ay kala maamulaan Puntland iyo sidoo kale Galmudug.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Xasan Maxamed Khalaf oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Galmudug ay weerar ku qaadeen deegaano dad xoolo dhaqato ah ay ku sugnaayeen , waxaana uu sheegay in dadka ay kala dhaceen xoolo.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolk Mudug Maamulka Galmudug oo isna la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dagaal ka dhacay deegaanka Sarjimaale ay soo weerareen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug aysan dagaal galin , laakiin ciidanka Puntland ay weerarka soo qaadeen.


