DHAGEYSO WAREYSI: Halkuu marayaa Dhismaha Maamulka Hiiraan Iyo Sh/Dhexe

Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan u marayo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha dhaqanka ay isla afgarteen in dib loo bilaabo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku xaliyaan Caqabadaha hortaagan dhismaha Maamulka.

Wasiir Ceymooy ayaa sidoo kale ka warbixiyay Kulamo uu la qaatay Odayaasha dhaqanka ee gobolka Shabeelaha Dhexe.