DHAGEYSO WAREYSI: Gudoomiyaha X/jajab oo ka hadlay Shaqaaqo ka Dhacday Degmadiisa

Iyadoo shalay Degmada Xamar Jajab gaar ahaan Agagaarka Dekada Muqdisho ay ka dhacday Shaqaaqo taas oo ku aadaneyd Rasaas ay fureen Ilaalada Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in ay ku dhaawacmeen Dad shacab ah iyo sidoo kale Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir Axmed Cusmaan Dhoore ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaariga iyo ilaalada Xildhibaanka, wuxuuna sheegay in ay su’aalo ka weydiin doonaan sababta ay arintan ku dhacday.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in aysan u turin shacabka gaar ahaan xilliyada ay marayaan wadooyinka oo mararka qaar ay Rasaas ku furaan Dadka shacabka ah.