DHAGEYSO WAREYSI: Dilal ka Dhacay Magaalada Caabud-waaq

Nin Madaxa looga jiro ayaa xalay Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud waxa uu ku Dilay Labo nin kuwaas oo si weyn looga garanayay Caabud-waaq.

Labada nin ee la Dilay ayaa lagu kala magacaabaa Abshir Faarax oo ahaa Nabadoon caan ah iyo sidoo kale Ganacsade magaciisa lagu sheegay Maxamed.

Ninka Dilka geystay aya a la sheegay in Madaxa looga jiray oo dhowaan ka soo baxay xarunta lagu Daryeelo dadka dhimirka looga jiro, waxaana Labada nin ee uu Dilay ay ahaayeen Qaraabo Hoose sida Dadka Deegaanka ay Risaala u sheegeen.

Waxaana ninkii Dilka geystay isaguna saakay lagu fuliyayay Dil toogasho ah maadaama Labo Qof uu si bareer ah u Dilay.

Wariye ku sugan Magaalada Cadaado kaas oo lagu magacaabo Ayaanle C/laahi ayaa inooga waramay sida ay wax u dhaceen.