Real Madrid ayaa cadeysay inay James Rodriguez iibin doonto, xilli ciyaareedkan.
Kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa diyaar u ah inay iska iibiso, ciyaaryahanka haddii ay ku helayaan €75m, sida laga soo xigtay wargeyska Marca.
Rodriguez ayaa ugu biiray Real Madrid heshiis lagu sheegay £ 63m waqtigasoo uu ka yimid kooxda Monaco 2014/15 ka dib markii uu qaab ciyaareed fiican ka sameeyay koobka adduunka ee lagu qabtay Brazil.
Xiddiga Colombia ayaa dhalin kara, caawin karana goolal inta uu garoonka kujiro, laakiin kuma jiro qorshaha xili ciyaareedka cusub ee macalin Zidane.
Waxa uu ku dhibtooday inuu waqti fiican ku qaato kooxdan, tan iyo markii la ceyriyay macalin Rafael Benitez iyadoo Zinedine Zidane uusan u arkin mid ku haboon shaxdiisa.
Rodriguez ayaa u ciyaaray 32 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu iska waayay kulamo waaweyn oo uu kujiray finalkii Champions League Atletico Madrid.
Ciyaartoyda sida Lucas Vasquez, Alvaro Morata iyo Marco Asensio ayaa dhamaan lagu soo daray kooxda Real Madrid xili ciyaareeedkaan,tasoo qasbeysa Rodriguez in uu ka tago.


