Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay £ 20 million in ay kula soo wareegto daafaca heerka caalami ee dalka Germany Jonas Hector,
Xiddigii Koln ee 26-sano jirka ah ayaa ahaa daafcii bidix ee macalin Joachim Low Euro 2016 kala qeyb galay.
Kooxda Antonio Conte ayaa la rumeysan yahay inay si firfircoon suuqa kala iibsiga ugu jirta, iyadoo u aragta daafacan inuu ku haboon yahay garoonka Stamford Bridge.
Saxiixa cusub ee N’Golo Kante iyo Michy Batshuayi ayaa bishii August kusoo biiray kooxdan, waxaana hadda uu u bahan yahay daafac dheeraad ah macalinkaan.


