Kooxda Zinedine Zidane ayaa wajihi doonta kooxda AS Roma CF , lugta hore ee wareega 16-ka Champions League, iyadoo kooxda reer Spain laga badiyay sideed kulan oo xiriir ah lugta labaad kulamada ay ku wajaheen kooxaha Talyaaniga.
Tani waa ciyaartii ugu horeysay ee UEFA Champions League isagoo tababaraha Real Madrid ah uu ciyaaro Zidane, oo bedelay Rafael Benítez January – waxaana uu dhaiyay macalinkan isagoo ciyaaryahan ah goolkii Merengues ‘ay ku qadeen finalkii 2002 ee Magaalada Glasgow ka dhacay.
Roma ayaa sidookale tababaraheedii Rudi Garcia ku badashay, Luciano Spalletti, kasoo ka caawiyey kooxda Serie A inay garaacaan Madrid markii ugu danbeysay ee ay ku kulmaan tartankan.
Kulanka: Roma Vs Real Madrid
Garoonka: Olompico
Saacada: 10:45 Xiliga geeska Afrika
Champions League Lugta koobaad ee Wareega 16-ka
HIIGSIGA LABADA KOOX
ROMA
Roma ayaa dooneysa inay gaarto UEFA Champions League quarter-finals markii ugu horeysay tan iyo 2008.
Waxay ay usoo gudbeen wareega 16ka ,markii ay kasoo baxeen Group E oo ay kujirtay FC Barcelona, inkastoo ay badiyeen hal kulan oo keliya kasoo 3-2 garoonkeeda ay ku garaaceen Bayer 04 Leverkusen.
Giallorossi ayaa looga badiyay 6-1 kulankii Barcelona ee 24 November ,waana mid kamid ah kooxaha ugu difaaca xun ee soo gaaray wareega 16-ka kooxood ,waxaana ay soo gareen knockout iyagoo laga dhaliyay 16 gool.
Real Madrid
Ka dib markii ay badiyeen Group A, Madrid ayaa haatan muuqaalkii lixaad oo isku xigta dooneysa inay gaarto wareega quarter-final.
tobanka jeer kooxda heysata Tartanka Europe ,waa mid kamid ah kaliya laba koox oo iyaga oo aan laga badin soo gaaray wareega 16-ka.
Madrid ayaa 2-1 waxaa kaga badisay, Juventus booqashadii ugu dambeysay ee Italy xilli ciyaareedkii hore semi-finalka UEFA Champions League, waxaana 3-2 wadar ahaan labada lug kusoo gudubtay kooxda Juve.
Madrid ayaan badin sideedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti u aheyd koxaha Talyaaniga ka dhisan.
XAQIIQOOYINKA ROMA
De Rossi iyo Radja Nainggolan ayaa min jaale ujira inay maqnaadaan lugta labaad ee kulanka Real Madrid.
Roma ayaa mid ka mid ah 13kii kulan ee ugu danbeyay laga badiyay tartamada oo dhan, ,waxaana barbaro ay noqdeen kamid ah kulamadaasi.
kooxda ka dhisan Olimpico ayaa badisay afartii kulan ee ugu danbeysay, waana heerkoodii ugu fiican ee xilli ciyaareedkan.
goolka Dzeko ee uu ka dhaliyay Carpi FC 1909 jimcihii,wuxuu ahaa kisii ugu horeyay tan iyo 24 November kooxdiisa uu u dhaliyo.
saxiixa January Stephan El Shaarawy ayaa dhaliyay kulankiisii ugu horeysay Roma gool, waxaana gool kale uu kulahaaa kulankii US Sassuolo Calcio saddex maalmood ka dib.
Saxiixa kale ee Perotti, ayaa si lamid ah El Shaarawy, furay akoonkiisa goolasha Roma kulankii 2-1 ay kaga badiyeen UC Sampdoria 7 February.
XAQIIQOOYINKA MADRID
Casemiro ayaa haddii uu jaale qaato ganaax ku maqnaan doona lugta labaaad.
Real Madrid lagama badinin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay lix ka mid kulamadaasi waxaa macalin u ah Zidane.
Zidane oo bedelay Benítez January 4 waxa uu hadda kujiraa booska saddexaad ee La Liga,waxaaana afar dhibcood Hogaamiyaasha Barcelona.
Madrid ayaa dhalisay 20 gool ,waxaana laga dhaliyay saddex afartii kulan eegurigooda ay ku ciyaareen inta nuu macalin u yahay Zidane
goolkii soo daahay ee 2-1 kaga badiyeen Granada CF February 7 ,kasoo uu dhaliyay Luka Modric wuxuu uu ahaa goolkiisii ugu horeyay ee La Liga tan iyo 27 September 2014.
Madrid ayaa laga badiyay sideed kulan oo xiriir lug knockout oo ay wajahday kooxaha Serie. A, Guushii ugu danbeysay waxay ka gaareen kooxaha talyaaniga 1987/88 European Champion Clubs ‘Cup ,
SAFKA MCQUULKA AH, DHAWAC, SHAKI IYO JAALE
Roma: Szczęsny; Rüdiger, De Rossi, Manolas; Florenzi, Pjanić, Keita, Nainggolan, Digne; Salah, Džeko.
Maqnaansho: Capradossi (dhawac)
SHAKI: De Rossi , Totti
Yaa Jaale ujira inuu maqnaado Lugta Labaad: De Rossi, Nainggolan
Real Madrid: Navas; Marcelo/Carvajal, Varane, Sergio Ramos, Danilo; Modrić, Kroos, Isco; James Rodríguez, Benzema, Ronaldo.
Maqnaansho: Bale , Pepe , Abner Dhawac


