Shan waxyaabood oo aanka baranay guuldaradii Chelsea kusoo gaartay Paris

Edinson Cavani ayaa dabamariyay gool soo daahay Chelsea markasoo lugta hore ee Uefa Champions League caasimada Faransiiska lagu garaacay 2-1.

Laakiin Guus Hiddink ayaa sheegaya in kooxdiisa weli ay leedahay rajoyin ay kusoo bixi karto,marka Paris St Germain ay soo booqato Stamford Bridge March 9.

Haddaba halkaan waxaan idin kugu soo gudbineynaa aqristayaasheena sharafta mudanow,shan waxyaabood oo laga bartay kulankii Chelsea guuldarada ay kasoo qaadatay Parc des Princes,

1-Chelsea inay leedahay daafac dhexe oo wanaagsan Weli

Rajada -line daafaca Chelsea ayaa aad looga niyad jabay ka dib markii John Terry iyo Kurt Zouma dhawa argagax leh uu soo gaaray

Midkoodna Gary Cahill iyo Branislav Ivanovic lama filan Karin inay awoodaan daafac lasoo bixi kareen,

Laakiin labada nin ayaa si weyn u xoojiyay awooda tababare  Hiddink ee kooxdiisu kusoo bixi karto lugta labaad,

Courtois inuu bedel istaahil ah u yahay Cech

Taageerayaasha Chelsea kuma aysan farxin inan arkaan goolhayahoodii hore ee Petr Cech oo u dagaalaya Arsenal.

Lakiin, hubaal Thibaut Courtois ayaa weli ah geesi kale oo kusugan kooxda galbeed London.

Courtois ayaa xalay goolal ka beeniyay Ibrahimovic, Angel di Maria iyo Lucas Moura.

Awooda Hiddink ee tababar

guuldaradii habeenkii xalay waxay aheyd tii ugu horeysay ee soo gaartay Chelsea tan iyo markii laga ceyriyay Mourinho.

Laakiin waxa ay u muuqataa weli koox usoo bixi karta Champions League haddii ay sidii xalay u ciyaraan lugta labaad ee ka dhaceysa Lodon.

Eden Hazard inuu u dhaqaaqo.

Haddii Eden Hazard ayaa bandhig aan ku filneyn tusaay xalay taageerayasha Bules,waxaana ay ku dhawaaqayeen inuu jaceyl yahay ku biirista PSG.

Xilli ciyaareedkan kuma heysto Chelsea bandhig ku filan,waxana calaamad la dulsaaray mustaqbalkiisa kooxda Chelsea.

5 Ramires in latabay

Xiddiga reer Brazil ayaa ku biiray Shiinaha marka uu furnaa suuqa kala iibsiga bishii Janaayo ,waxaana inta badan xalay kooxda Bules ay umuuqatay mid ku dhibtooneysay khadka dhaxe.