Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan ninkii isku qarxiyay diyaarada daallo bilowga bishaan Febraayo xilli diyaarada ay ku sii jeeday Dalka Jabuuti.
Wakaalladda Wararka AP ayaa Warbixin dheer ka qortay C/laahi C/salaam Boorle oo ah ninka isku qarxiyay gudaha diyaarada daallo, ninka ayaa da’diisu waxay u dhaxeysay 50 ilaa 55 sano jir sida ay baahisay Wakaalada Wararka AP.
C/llaahi C/salaam Boorle ayaa macalin dugsi ka ahaa Magaalada hargeyso ee Xarunta Maamulka Somaliland, waxa uuna in mudo ah ku noolaa Magaaladaasi.
Waxaa la sheegay inuu magaalada Hargeyso ka soo tagay bishii Janaayo ee sanadkaan, waxa uuna caafimaad ugu socday dalka dibadiisa, waxa sidoo kale la sheegay in ninkaasi uu qabay xanuun dhanka lugta ah.
Sidoo kale waxay Wakaalada Wararka AP baahisay macluumaad badan oo ku saabsan ninka loogu shakinayo inuu isku qarxiyay diyaarada Daallo.