Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Reeysal wasaaraha Itoobiya ayaa kulmay kahor shirka sanadlaha ah ee cimiliada COP 31 oo ka bilowday dalka Turkiga
Qoraal uu Abiy Axmed soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu la kulmay Xasan Shiikh si aay uga wada hadalaan xaalada amni ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo isbeddelada guud ee gobolka
Waxaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ka hor shirka hogaamiyeyaasha COP31 si aan uga wada hadalno xaalada amni ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo isbeddelada guud ee gobolka ayuu Abiy ku yiri qoraalkiisa
Waxaa uu sheegay in aay carabka ku adkeeyeen muhiimadmda aay leedahay sii wadida wadahadalka iyo iskaashiga lagu horumarinayo nabada iyo xasiloonida gobolka waa sida uu hafalka udhigaye



