Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Hans Henric Lundquist, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo labada dhinac ay sidoo kale isla soo qaadeen arrimo muhiim u ah danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Sweden.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Sweden uga mahadceliyey taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee ay la leedahay saaxiibbadeeda caalamka.