Saacid oo ka digay wiiqidda hay’adaha madaxa-bannaan iyo sharciga oo loo leexiyo rabitaanka madaxda.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa ka hadlay xaaladda dowladnimo iyo ku dhaqanka sharciga ee dalka, isagoo ka digay wiiqidda hay’adaha madaxa-bannaan iyo in sharciga loo adeegsado rabitaanka madaxda.

Saacid ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dimuqraadiyaddu aysan ku burburin oo keliya afgambi iyo laalidda dastuurka, balse ay sidoo kale dhaawacanto marka hay’adaha madaxa-bannaan la wiiqo, sharcigana loo leexiyo danaha dadka talada haya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladnimada saxda ahi ku dhisanto in sharcigu ka sarreeyo awoodda madaxda, isla markaana hay’adaha dowladdu si madax-bannaan u gutaan waajibaadkooda, lana helo isla xisaabtan dhab ah.

Hadalkan Saacid ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo awoodaha hay’adaha dowladda, kuwaas oo dhaliyay dood xooggan oo u dhexeysa dowladda Federaalka iyo mucaaradka.