Qareenka Shariif Sheekh Axmed oo sharci-darro ku tilmaamay warqadda Garyaqaanka Guud

Garyaqaan Sakariye Ismaaciil Nuur, oo ah qareenka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka horyimid warqad uu 6-dii Nofeembar soo saaray Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka, isaga oo sheegay inaysan lahayn awood sharci oo ay ku burin karto ama ku hakin karto go’aankii Maxkamadda Sare ee 5-tii Nofeembar 2026.

Sakariye ayaa sheegay in Xafiiska Garyaqaanka Guud uu dacwadda ku matalayay Dowladda Federaalka, taas oo ka dhigan in warqadda uu soo saaray ay tahay mowqifka dhinac ka mid ah dacwadda, balse aysan noqon karin go’aan ka sarreeya xukun ay Maxkamadda Sare gaartay.

Qareenka ayaa sidoo kale ku adkaystay in go’aanka Maxkamadda Sare uu yahay kama dambays, isla markaana aanay jirin awood uu Xafiiska Garyaqaanka Guud ama hay’ad kale oo ka tirsan dowladda ku baabi’in karto.

Sakariye ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay ixtiraamto madax-bannaanida garsoorka, ilaaliso sarreynta sharciga, isla markaana fuliso go’aanka Maxkamadda Sare.

Mowqifkan ayaa kusoo aadaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka sharci ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo garsoorka, kaddib markii Xafiiska Garyaqaanka Guud uu 6-dii Nofeembar diiday sharciyadda go’aankii Maxkamadda Sare.