Arsenal ayaa weli ay ku adag tahay dagaalanka saxiixa weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette, waxaase muuqanaya fursadaha ay ku heli karaan in ay sii kordhayaan.
Lyon ayaa soo diiday dalab qiimihiisu yahay £ 31.8 million oo ka yimid Arsenal, laakiin sida laga soo xigtay Daily Mail, Gunners ayaa la filayaa inay dalab kale ka gudbiso weeraryahanka Faransiiska.
Tababaraha kooxda Lyon Bruno Genesio ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay doonayaan in ay iska iibiyaan Lacazette, oo dhaliyay 23 gool xilli ciyaareedkii hore, hadii Gunners dalab macquul ah keenaan.
Si kastaba ha ahaatee, Genesio ayaa sidoo kale sheegay, “Madaxweynaha ma doonayo in ciyaaryahanka la iibiyo, lakiin waxkasta ayaa dhici kara ka hor August 31. “
Lyon ayaa weli diidan in weeraryahanka Arsenal xiisaha u qabto ee Lacazette ku fasaxaan qiimaha ay wadato kooxda Gunners.
Lacazette aya kooxdiisa dooneysaa £ 40 million, laakiin Arsenal ayaa go’aamin doonta heshiiska ugu dambeeyay todobaadkaan.


