Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib codeyn ay ka qayb galeen mudanayaasha Aqalka Sare.
Kulanka maanta oo ay xaadir ahaayeen xubno ka tirsan Aqalka Sare ayaa 28 Senator ku oggolaadeen xubnaha guddiga, iyadoo hal Senator uu ka aamusay, islamarkaana aanay jirin cid ka dhiidhiday. Ansixinta kaddib, isla goobta ayaa lagu dhaariyey xubnaha cusub, taasoo ka dhigan inay si buuxda u bilaabeen waajibaadkooda dastuuriga ah.
Guddigan ayaa horay u soo maray marxaladaha kale ee sharci dejinta, iyadoo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Golaha Shacabka.
Waxaa hadda la sugayaa in xubnuhu doortaan guddoomiyaha rasmiga ah, si ay u guda galaan shaqooyinka muhiimka ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga ku xad-gudubyada ka dhaca dalka.
Ansixintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday dhismaha hay’adaha u xilsaaran ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.



