Hoggaamiyihii ugu sarreeyay siyaasadda Xamaas oo duqeyn lagu dilay.

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay siyaasadda Xamaas Saalax al-Bardaweel, sida ay sheegeen  saraakiil ka tirsan Xamaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Bardaawael, oo loo arko inuu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Xamaas. Waxaa kale oo ay wararku tibaaxayaan in sidoo kale xaaskiisa la dilay. Saraakiisha Israa’iil ayaanan ilaa haatan wax faallo ah ka bixin warkaasi sheegaya dilka al-Bardaweel.

Maamulka caafimaadka ee dhulka falastiiniyiinta ee Xamaas maamusho ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay Khan Yuunis iyo koonfurta kale ee Rafah Axadda maanta ah.

Israa’iil ayaa dib u billowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza horraantii toddobaadkan – taasoo soo afjartay wejigii koowaad ee xabbad-joojin socotay ku dhawaad ​​laba bilood. Waxay Xamaas ku eedaysay inay diiday soo jeedinta cusub ee Maraykanka ee lagu kordhinayo xabbad joojinta.