Safarka Xasan Sheekh ee Imaaraadka Carabta iyo xogtii ugu dambeysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Magaalada Abu Dubia kula kulmay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, kadib safar aan horey loo shaacinin uu halkaasi ku tagay madaxweynaha, xili dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wakaalada Wararka Imaaraadka ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay xiriirka labada dal, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh bogaadiyay taageerada ay Imaaraadku siiyaan Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan yihiin.

Kulan ay yeesheen labada hogaamiye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Madaxtooyada, H.H. Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, iyo Dhaxal-sugaha Dubai, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca, H.H. Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

“Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, iyagoo ka arrinsaday fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo koboca iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay ka geystaan ​​horumarinta Soomaaliya, isagoo muujiyay doorka ay ku leeyihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan hammigooda ku aaddan kobac, xasillooni, iyo barwaaqo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaale u raadiyay dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab, si guud ahaan dalka looga saaro kooxdan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu sii xoogeysanayay tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May 2022.

Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyay mashaariic kala duwan, isagoo sidoo kale taageero siiya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa sannadihii u dambeeyay si aad ah u maalgelinayay dekedaha ku yaalla Bariga Afrika, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Soomaaliya, sida Boosaaso iyo Berbera, waxaana saameyn uu ku leeyahay siyaasadda iyo arrimaha militeriga dalka.