Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay Buuraleyda Cali-miskaad ee gobolka Bari oo halkaasi ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.
War ka soo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraatiga Carbeed ay fulisay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan dagaallamayaal ka tirsan Firxadkii Argagixisada ISIS.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in la beegsaday in xubno Al-shabaab oo furxad ah, kuwaasi oo ku dhuumaaleysana deegaanka ay duqeynta ku dhacday, mana sheegin tirade xubnaha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta ay fuliyeen Imaaraadka Carabta lala beegsaday qoys reer miyi ah, islamarkaana ay waxyeello ka soo gaartay duqeyntii diyaaradeed ee dowladda Imaaraadka Carabtu ka fulisay togga Miiraale, halkaasi oo ay Puntland sheegtay in lagu beegsaday dagaallamayaal kamid ah firxadkii Argagixisada IS oo is urursanayay.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka duqeynta ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen 9 qof oo reer miyi ah, halka tiro kalena ku dhaawacmeen, kaddib markii togga Miiraale lagu beegsaday qoys reer miyi ah.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland.
Diyaaradaha Imaaraadka Carabta ayaa hadda ka hor sidan oo kale duqeyn la beegsaday qoys reer miyi ah oo ka degnaa Miyiga buuraleyda Cali-miskaad ee gobolka Bari.



