Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirk u yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay war ka soo saareen dagaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish eek a socda Buuraha Calimiskaad ee gobolka Bari.
War ka soo baxay kulanka Golaha wasiirada ayaa waxaa taageero loogu muujiyay dagaalka, iyagoona ammaanay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.
“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyay kooxda Khawaarijta ah ee Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.”
Sidoo kale Golaha ayaa go’aamiyay in hey’adaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aadan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.
Ciidamada Puntland ayaa weli howlgal ka dhan ah kooxda Daacish waxaa ay ka wadaan buuraha gobolka Bari, waxaa ay doonayaan in ay halkaasi ka saaraan ajaanibta kooxdaasi eek u dhuumaleysanaysa Buuraha gobolka Bari.



