Meydadka laba Wiil oo walaalo ahaa oo lagu dilay gobolka Galgaduud oo la Aasay

Degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud waxaa lagu aasay, Allaha Unaxariistee Cabdikariin Axmad Carab iyo Walaalkiis Cabdinaasir Axmad oo ahaa walaalo, xalay ay dileen kooxo  ku hubeysan oo ku weerartey  Gurigooda oo ku yaalla Baallal-Dheer oo hoostagta Deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka  dilka u geystay  labada Nin ee walaalaha ahaa ayaa kasoo jeeda Degaanka  Xiindheere ee  Gobolka Galgaduud  ayaa sidoo kale dhaawac u geestay Labo Caruur ah iyo hooyadood oo dhaawacoodu lagu Daaweynayo Isbitaalka Magaalada  Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaalo lagu soo  qabanayo Kooxaha dilka  u geystay labada Marxuum ee Walaalala ahaa.