Mahadaay-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.
Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa weerarkaas ku geeryootey 2 Ruux halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay Qofkale.
Weerarkan ayaa la sheegay in ay geysteen kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday goob dadka ay fariistaan oo ku taala degmada Mahadaay, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan howlgallo lagu raadinayo kooxihii weerarka geystay.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkan maanta ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Hoose.


