Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Laanta-buuro

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay weerar khasaare geystay ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka oo socda muddo ayaa lagu soo qaaday saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska celiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ayaa sheegay in ay dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.