Alle ha u naxariistee waxaa Maanta lagu wadaa in khabuuro kuyaalla Magalada Hargeysa ee degaannada Somaliland lagu Aaso Abwaankii weeynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, kaas oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo horkacaya Guddiga qaban qaabada Aaska ayaa waxaa uu sheegay in meydka Abwaan Hadraawi lagu Aasi doono Maanta Salaada Casir kadib Khabuuraha Baqiic ee Magaalada Hargeysa.
Aaska Abwaan Hadraawi ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxda Sare ee Somaliland, Odayaasha Dhaqanka, ehelladiisa, Bahda Fanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Dhammaan Madaxda Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii shalay ku timid Abwaankii weeynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.



