DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo fariin u diray Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin u diray ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shabaab in ay joojiyaan dagaalada iyo qaraxyada ay ka wadan Soomaaliya ,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay Soo dhaweyso hogaamiyaasha ka tirsan ee isku soo dhiiba dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shabaab in ay ka tanaasulaan qaraxyada iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ugu baaqay in ay dowladda kusoo biiraan si ay u helaan waxbarasho iyo sidoo kale Caafimaad.