Diiwaangelinta Musharrixiinta Madaxweynaha oo ka bilaabatay Muqdisho

Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Aqalka Sare ka bilaabay diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa diiwaangeliyay musharrixii ugu horreeyay oo noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isaga oo buuxiyay shuruudaha musharraxnimo, isla markaana uu qaatay Shahaadada musharraxnimo.

Guddiga ayaa diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha wadi doona ilaa 10-ka Bishaan, waxaana jira musharrixiin farabadan oo dalka dibaddiisa ku maqan.

Musharrixiin farabadan ayaa kusii qul qulaya xarunta Aqalka Sare, si ay isku diiwaangeliyaan, waxaana Musharrax madaxweyne kasta uu isku diiwaangelinayaa lacag dhan 40,000 oo Dollar.