Tirada Xildhibaannada la siiyay Shahaadada oo gaartay 200 oo Xildhibaan

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalintii todobaad waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadaan diiwaangelinta iyo Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xubnaha ugu horreeyay ee Maanta Shahaadada qaatay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharrax Madaxweyne iyo Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna & Marwo Khadija Mohamed Almakhzoum oo mar soo noqotay Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistaan.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maanta shaaciyay in Xildhibaannada labada Aqal ee la diiwaangeliyay ay gaartay 200 oo mudane, kuwaas oo isugu jira kuwa laga soo doorto dowlad Goboleedyada kajira dalka, Gobolada Waqooy & beelaha Banaadiriga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Xildhibaannada Maanta qaatay Shahaadada ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo Jadwalka Guddiga doorashooyinka ee ahaa in 14 Bishaan la dhaariyo Xildhibaannada, isla markaan hal meel looga soo wada jeesto ciddii caqabad ku noqota.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku baaqay in xal loo helo tabashada ay qabaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed lana garawsado tabashadooda yana jecelyn in cid laga tago.

Xildhibaannadii ugu badnaa ee dooran ayay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Shahaadada Xildhibaannimo guddoonsiiyeen, waxaana harsan Xildhibaannada laga soo doorto degaannada Koonfur Galbeed.