Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka la dhigo oo meelaha fog fog laga hago ayaa Ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaa lagula eegtay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah duleedka Magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday Kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM xilli ay marayeen deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo dhaca duleedka Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen in ay qaraxa la heleen mid kamid ah Gawaarida Xamuulka qaada oo ay wataan Ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku dileen hal Askari oo la socday gaariga qaraxa lala beegsaday.
Goiobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas farabadan, balse aysan jirin dad ku waxyeeloobay, isla markaana Ciidamada AMISOM ay muddo kooban hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka inta u dhaxeysa degaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye dhowr jeer qaraxyo kala duwan lagula eegtay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar khasaaro uu kasoo gaaraa dad Shacab ah.



