Maxay tahay sababta Shariif Xasan loogu diiday in uu u safro Baydhabo?

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ayaa Maanta loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli uu doonayay in uu tago Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wararka ay heshay Risaala ayaa sheegaya in Amar kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) loogu diiday Shariif Xasan in uu tago baydhabo, waxaana amarkaas fuliyay Ciidanka NISA ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ayaa u sharaxan kursiga Hop#261 oo uu hadda ku fadhiyo Wiilkiisa Cabduqaadir Shariif Xasan, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kursigaasi la doonayo qof kale.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ahaa Xildhibaannadii Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10aad ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Shariif Xasan loo diido in uu u safro Baydhabo.

” Adiga oo shacab ah madaxweynihii ku soo dhoweeyey xildhibaana kaa soo dhigay, maanta adigoo madaxweyne ah inaad u diido inuu yimaado magaaladii uu madaxweynaha ka ahaa, ceeb iyo gunnimo ka weyn ma jirto.
Ma waxaad sugaysaa beri in gobanimo laguula dhaqmo? ayuu yiri” Xuseen Sheekh Maxamuud”

Dhawaan waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Muudeey oo kursigiisa yaallay degmada Baraawe, iyada oo loo doortay Nin kale oo uu watay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.