Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo wax-wada-qabsiga .
Kulankani oo ahaa booqasho xushmadeed oo uu Safiirka Turkiga ugu tagay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa looga wadahadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska , iyadoo la isla gartay sidii looga wada shaqayn lahaa ka dhabaynta himilooyinka qaran ee labada dowladood iyo labada shacab.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay ka caawisaa tababarka Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo arrimo kale.



