Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaanka Deeynuunay ee Gobolka Baay

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay werar ku qaaden Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaliyeed ee qeybta 60aad iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada degaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaal xoogan uu ka dhacay degaanka, hayeeshee Al-Shabaab ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegtay inay la wareegeen degaanka Deeynuunaay oo 25km u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegee degaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay.

Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com