Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo Shil ku geeriyooday

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Golaha Waliilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xildbibaan Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiis marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, kuxigeenkiisa iyo Golaha Wakiilada Maamulkaas ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cali Dhahar oo katirsanaa Baarlamaanka Puntland.