DHAGEYSO: Gudi heer Degmo ah oo loo xilsaaray sugida amniga Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidaamada dowladda Soomaaliya.

Waxaana kulankooda ay uga hadleen sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu dambeyn magacaabay Guddi suga amniga magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay in Gudigan la magacaabay ujeedkoodu uu yahay sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho maalmihii udambeeyay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.