SAWIRO: Qaraxyo laga soo saaray Wadada xiriirisa Balcad iyo Afgooye

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ay qabteen Qaraxyo Miinooyin ah oo Al-Shabaab ay ku aaseen wadada xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay tilaabadaan qaadeen markii xalay ay weerar kusoo qaadeen degmada Balcad.

Maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in Qaraxyaddan miinooyinka ah la doonayay in lagu dhibaato Shacabka degmada Balcad ee ku safra wadada.

“Waxaan ku guuleysanay inaan soo saarno laba miino oo ay cadawgu ku aaseen wadada jaayga ah ee isku xerta degmada Afgooye iyo Balcad” ayaa lagu yiri War kasoo baxay maamulka.