Madaxweynaha Puntland oo sameeyey xilka qaadis

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska  Puntland.

2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.