Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta kormeeray goobaha uu ka socda imtixaanka dugsiyada sare oo ay sanadkii labaad qaadayso dowladda Soomaaliya.
Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo u diray ardayda imtixaanka maanta u fadhiisatay iyo waalidiinta dhalay oo ku dhiiraday in ay imtixaanka u soo diraan caruurtooda xaalada amni oo adag.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda waxbarashada Cabdullaahi Bile Nuur oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu sanadkii labaad ay qaadayso imtixaanka shahaadiga ah,isagoona sheegay in imtixaanku uu ka dhacayo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad ku guuleysatay in ay ka qaado imtixaan mideysan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ardayda wax ka barata.



