Qof ku dhintay Roob daadad watay oo ka da’ay Baydhabo

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka da’ay Roobka Deyrta,kaas oo Biyo farabadan dhigay Xaafadaha Magaaladaas sidoo kalena uu sababay khasaaro dhimasho ah.

Roobka ka da’ay Baydhabo ayaa la sheegay in daadad uu watay ay sababeen in Goob bohol ah ay ku dhacdo,isla markaana ay geeriyooto Gabar yar taas oo lagu Magacaabi jiray Aamino Shariif Cali.

“Bohosha Yaaq kumaan ee Baydhabo, oo daad kuu soo rogmaday ayaa dishay gabadha xili ay ku sii jeeday gurigooda oo ku yaala Xaafadda Daarasalaam  ee Baydhabo,gabadha dhinaca Beeraha ayay ka timid laakin bohosha ayay ku dhacday ayuu yiri” qof kamid ah dadka Baydhabo.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Gabadha bohosha ay kula dhaceen hooyadeed iyo walaasheed,hayeeshee gurmad xoogan oo la sameeyey lagu soo badbaadiyey Hooyadeed iyo Walaasheed,balse iyada ay ku dhimatay.

Xaafado katirsan Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in daadad kusoo rogmaday darteed dadkii deganaa qaarkood ay ka guureen,waxaana xaafadahaas kamid ah Xaafadaha Horseed iyo Daaru-salaam.

Si kastaba waa qofkii labaad oo ku geeriyooda Roobkii dhawaan ka da’ay Magaalada Baydshabo ee Gobolka Baay,waxaana todobadkii hore daadad ka dhashay roobka ku geeriyooday Cunug yar oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Jikoow.