Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay magaalada Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Qaramada Midoobe ahna isku duwaha arimaha bani’aadanimada ayaa waxay ka wada hadleen sidii dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Miboobe ay ka yeeli lahayeen go’aankii dowladda Kenya kasoo ahaa in ay xireyso xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.
Waxay madaxweynaha iyo Qaramada Midoobe sheegeen in ay muhiim tahay in aysan dowladda Kenya xiran Xeryaha qaxootiga.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daauud Aweys oo la hadlay warbaahinta markii uu kulan ku soo dhamaaday ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ku xigeenka Qaramada Midoobe ay ka hadleen sidii loo jooji lahaa in la xero xeryaha dalka Kenya.


