Frank Lampard ayaa soo saaray warar farxad leh oo uu kaga hadlayo xaalada dhaawaca kooxdiisa koowaad ee Chelsea.
Macalinka ayaa shaaca ka qaaday in dhaawaca Antonio Rudiger, N’Golo Kante iyo Pedro ay yihiin kuwo heer fiican usoo kabanaya.
Sida laga soo xigtay macalinka Blues, Rudiger iyo Pedro ayaa qarka u saaran inay soo laabtaan ka dib fasaxa caalamiga ah, halka Kante laga yaabo ama inuusan taam noqdo kulanka Premier League ay wajaheyso Chelsea kooxda Wolverhampton Wanderers.
Ciyaartoy badan oo Chelsea ah, oo ay ku jiraan Ruben Loftus-Cheek, Reece James, Callum Hudson-Odoi iyo Marco Van Ginkel iyo kuwa kale ayaa la filayaa inay dib usoo laabtaan.
Marka laga reebo xaalada dhaawaca ah, Rudiger waxaa aad looga tabayaa qeybta dhexe ee Chelsea, isagoo door muhiim ah ka ciyaari doona horumarinta daafaca Bules.
Dhanka kale, Pedro ayaa dhaawac muruqa ah uu soo gaaray intii lagu jiray tabbaarka ka hor kulankii Norwich.
Kante wuxuu ku bilowday jahwareer bilowgii xilli ciyaareedkaan, Ciyaaryahanka reer France ayaa seegay kulankii furitaanka sababo la xiriira dhaawac jilibka ah, ka hor inta uusan dhaawac kale oo canqowga ah kala kulmin kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen kooxdiisa Leicester.
Isagoo hadlayay ka dib kulankii barbaraha 2-2 galeen kooxda Blades, Lampard wuxuu iftiimiyay taariikha ay macquul tahay inay soo laabtaan qaar ka mid ah ciyaartoyda dhaawaca ah.
Wxuu yiri” waxaan isku dayaynaa inaan ka wada shaqeeyo kooxda oo dhan si aan u helo isku darka saxda ah, Rudiger hadda waa taam ka dib fasaxa caalamiga ah sidaas darteed wuxuu kujiraa karaa xulashada kale.
Pedro waa inuu tababar qaatay bartamihiisa isbuucaan, marka waa inuu fiicnaadaa sidaan rajeynayo kulanka Wolves.
Waxaan arki karnaa in Kurt Zouma uu gali doono kursiga keydka marka Rudiger uu soo laabto, iyadoo la tixgelinayo xaqiiqda ah in Tomori uu u qalmo mid kale ka dib bandhigiisii ugu fiicnaa ee uu lasoo muuqday.
Dhinaca kale, Ross Barkley wuxuu wadada ka ciyarayaa booska Pedro oo dhaawac ah.
Chelsea ayaa lagu wadaa inay kulanka adag ku wajaghaan kooxda Nuno Espirito Santo 14ka Sebtember.



