Ferdinand oo sheegay in Van Dijk uusan u qalmin Xiddiga UEFA

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa aaminsan in xiddiga Liverpool ee Virgil van Dijk, in kasta oo uu yahay daafaca dhexe ee ugu fiican adduunka waqtiga xaadirkaan, uusan u qalmin inuu ku guuleysto abaalmarinta UEFA Player of the Year oo ay kula tartameen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Van Dijk ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee Uefa isagoo ku sugnaa magaalada Monaco khamiistii kadib markii uu tartan la galay Messi iyo Ronaldo.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa loo aqoonsaday inuu saameyn ku yeeshay ololihii Liverpool ee Champions League kaasoo kooxda u horseeday inay qaadaan European Cup markii lixaad.

Daafacaan laftiisa ayaa shabaqa ilaashaday shan kulan oo kamid ah 12 kulan oo uu saftay tartanka UCL halka uu dhaliyay labo gool islamarkaana uu caawiye ka ahaa labo kale.

28 jirkan ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray tartanka Liverpool u gashay hanashada Horyaalka Premier League, isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay dfaatao 21 jer shabaqada.

Reds ayaa ugu danbeyn ku dhameysatay hal dhibic iyadoo ka dmabeysay kooxda horyaalka guuleysatay ee Manchester City.

Van Dijk ayaa garaacay Messi, kaasoo ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah oo uu dhaliyay 51, iyo Ronaldo, oo Bianconeri ka caawiyay hanashada Horyaalka Serie A iyo Supercoppa Italiana halka uu dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan.

Ferdinand wuxuu rumeysan yahay in Van Dijk inuusan la mid aheyn Ronaldo iyo Messi wuxuuna cadeeyay inuusan u qalmin abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Uefa.

Isaga oo ka hadlaya BT Sport, wuxuu yiri;

Shaki kuma jiro maskaxdayda in Virgil van Dijk uu yahay daafaca ugu fiican adduunka maanta.

“Laakiin marka nin uu dhaliyo 50 gool xilli ciyaareed si lamid ah Messi, ama Cristiano oo uu ku guuleysto seddex koob xilli ciyaareedkii, saameynta uu ku leeyahay ma eegi kartit intaas kabadan.

Van Dijk ayaa si aad ah loola xiriirinayaa markale inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or taasoo la qaban doono dhamaadka sanadka.