Booliska Somalia oo ka hadlay Xariga Cabdi Rashiid Janan

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseem Axmed ayaa ka hadashay xariga shalay Magalada Muqdisho ay ugu geysteen Ciidamada dowladda Soomaaliya C/rashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Qoraal ay soo dhigtay Barta ay ku leedahay twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay in wasiir Janan uu galay dambiyo culus,isla markaana Ciidanka Booliska Soomaaliya ay baaritaano ku hayaan.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska ayay tiri taliye Zakiya”.

Si kastaba Bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID-da.