Golaha wasiirada dowladda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga lagu dhisayo guddiga madax banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.
Waxaana sharcigan soo diyaarisay wasaradda Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulanka Golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ay maanta ku Aansixiyeen sharcigan la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxa ay walaac ka muujiyeen go’aanka dowladda Kenya ay ku gaartay in ay xirto xeryaha qaxoootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo oo ay ku jiraan kumaan qaxooti Soomaali u badan.
Waxaan ay gaba gabdii Golaha wasiirada bogaadin udireen ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ka wada gobolada dalka.


